Go to: Winter Parking Basics (Ingiriisi)

Gaari-dhigashada Muhimka ee Qaboobaha

Minneapolis waxey leedahay wareegtooyin maamula gaari-dhigashada jidka ee qaboobaha is lagu hubsado iney shaqaaleheena barafka xaaqa ay jidadka Magaalada ka dhigaan kuwo aan baraf lahayn. Wareegtoyinkaan waxey maamulaan gaari-dhigashada jidadka marka ay jiraan xaaladaha qaarkood:

  • Waqtiga uu dhacayo baraf xoog leh ama inta ka horreysa,
  • Waqtiga ka dambeeya barafka xooga lahaa, iyo
  • Marka uu baraf badan isu aruuray ee ka dambeeya baraf dhowr jeer dhacay.

Sharcidyadaan ku xusan wareegtooyinkani waxey sahlayaan nidaam laga wado gawaarida jidka yaala si ay shaqaalaha ay ballaca jidka oo idil ay u xaaqaan, xitaa laymanka gawaarida la dhigto. Tan waxey ku caawineysaa in barafka si dhammeystiran loo xaaqo si uu gaadiidka, siiba kuwa gurmadka ah, ay si caadi ah u socdaan xilliga qaboobaha oo dhan.

Kaalintada ka soo bax – faham oo raac sharciyada

Si looga caawiyo iney jidadka ahaadaan kuwo la xaaqay, dadka meesha deggan iyo kuwa soo booqdaba ee gawaarida dhigta jid Minneapolis ah waa iney hawada ka digtoonaadaan ayna ka warhayaan sharciyadaan gaari-dhigashada qaboobaha. Kaddib ka warqab xilliyada barafka (qiyaasti inta u dhaxeysa Nofembar ilaa-iyo Abriil) si aad ku ogaatid marka sharciyadaan ay hirgelayaan.

Xusuusnow, dadka Minneapolis soo booqda, wax ka iibsada ama tamashle u soo aada waxey u badantahay ineysan ka warhayn sharciyadaan Minneapolis. Waxaad ku caawin adigoo martidaada, macaamilka iyo shaqaalaha u sheega aqbaarta ku saabsan Birmadka Barafka ee Minneapolis iyo sharciyada ee winter parking rules.

Ama diyaar u ahaw ganaax iyo gaariga oo la jiito

Kuwa aan dhoowrin Birmadka Barafka ama sharciyada kale ee gaari-dhigashada gawaarida waxaa ku dhici karta in tigigh ganaax la siiyo iyo gawaaridooda oo loo jiito Minneapolis Impound Lot.

Xaaladaha Gaari-dhigashada Qaboobaha ee La Iska Jiro

  • Digniin Duufaano Culus ee Qaboobaha . Marka la saadaaliyo duufaan weyn, Minneapolis waxey si kumeelgaar ah u soo rogaysaa mamnuucyo gaari-dhigashada ee LOOGA DIGAYO duufaanta.

    Qaanuunka:
    Gaari-dhigashada lagama ogolaan karo dhinaca KISSI/DHABAN ee jidadka aan ahayn Birmadka Barafka ilaa-iyo 48 saacadood.
  • Birmadka Barafka. Kaddib marka uu dhaco baraf xoog leh, Magaalada waxey ku dhawaaqi kartaa Birmadka Barafka inta aan la gaarin 6:00 fiidnimo ee maalin kasta ay wax jiraan. Tani waxey suurta galineysa iney sharciyo gaarid-dhigashada oo taxan iney hirgalaan oo dhereerkoodu uu noqon karo ilaa-iyo saddex cisho. Hoos ka eeg aqbaarta qaaska ah ee ku talxluudqa “Birmadka Barafka”.

    Qaanuunka:
    Eeg Qaanuunka Birmadka Snow Emergency Parking Rules Gaari-dhigashada si aad ku heshid warbaxin buuxda.
  • Calaamadaha kumeelgaarka ah. Jidadka iyo luuqluuqdyada caadi ahaan waa la xaaqa, ciid iyo cusbana waa lagu shubaa ayadoon aan lagu dhawaaqin Birmadka Barafka. Haddii loo baahdana calaamado kumeelgaar ah ee dhahaya gaari-dhigashada lama ogola ayaa la soo dhejinayaa.

    Qaanuunka:
    U hogaansanow calaamadaha wax mamnuucaya.
  • Gaari-dhigashada La Mamnuucay Qaboobaha. Inta lagu jiro xilliga qaboobaha ayna dhacdo in dhowr jeer uu baraf dhaco waxay sabebeysaa inuu barafka isku aruuro taasoo aad u yareysa jidadka, Magaalada waxey ku dhawaaqi kartaa Gaari-dhigashada La Mamnuucay Qaboobaha.

    Qaanuunka:
    Lama ogola in gaariga la dhigto dhinaca DHABANKA ah ee jidka aan ahayn Birmadka Barafka ilaa-iyo inta ay jirto: xilliga barafka oo si rasmi ah u dhammaday; ama xaaladaha sababaya in mamnuuca laga qaado.

    Xusuus Muhiim ah:
    Qaanuunyada Birmadka Qaboobaha xooga waa duwanyihiin haddii la dhaqan geliyo Gaari-dhigashada La Mamnuucay Qaboobaha iyo in lagu dhawaaqay Birmadka Qaboobaha. Eeg shabakadaan internetka ama booqo meelaha aqbaarta(media outlets) (hoos eeg) oo sheegaya nidaamyada gaariga lagu dhiqto inta lagu jiro gaari-dhista la mamnuucay qaboobaha.

Sideen ku ogaan karaa amarada qaanuunadaan ay dhaqan gelayaan? Markasta oo la saadaaliyo inuu baraf badan da’ayo, iyo marka uu barafka uu bilawdo waxaad sameyn kartaa inaad raacdid mid kamid midkaan si aad ku ogaatid haddey qawaaniinta noqdaan kuwa hirgelaya.

Wac Xiriirka Barafka ee 24-saac: (612) 348-7669; TTY (612) 673-2157

Emailkaaga eeg

Waxaad la xiriira kartaa adeega Magaalada (Emailka Taxaddarka Barafka) E-Mail Snow Alert si aad ku heshid ogeysiis ah marka uu jiro Birmadaka Barafka ama marka la hirgelinayo qawaaniinta gaari-dhigashada qaboobaha. Sanadkaan waxaa ku dari kartaa tusiye dhinaca telefonada gacanta (sida PDA laga helo mobailka) si aad ku heshid aqbaar gaaban marka lagu dhawaaqay inuu jiro birmadka barafka. been declared.

Booqo shabakada internetka ee magaalada (www.ci.minneapolis.mn.us)

Ka eeg kanaalada telefishinka 14, 79 ama dhegeyso KBEM-FM (88.5 MHz)

Marka sida ugu dhaqsiyo badan lagu dhawaaqo inuu jiro Birmadka Barafka, Magaalada waxey shaaca ka qaadaeysa telefoonka degdegga 348-SNOW, Shabakada Internetka in Kanalada Kaybalka 14 iyo 79, u dir emilka iska jirka e-mail alert si aad ku heshid aqbaar, oo ogeysiiya dhammaan afarta, telefishina deegaanka, 11 isteshino radiyeyaal iyo saddexda wargeys ee ugu waaweyn.