Isbedelka Gurmadka Booliska

Waxaanu ka shaqeyneynaa hab cusub oo lagu balaariyo gurmadka xaaladaha la soo codsado gargaarka, gaar ahaan gurmadka la xiriira cudurada dhimirka.

Dulmar Guud

Waa in la horumariyaa nidaamka gurmadka ee magaalada si wax looga qabto baahida dhamaan dadka degan magaalada.   Xoga laga soo ururud ay dadka Madowga ah, dadka asal ahaan waddanka loogu yimid iyo kuwa laga tirada badan yahay (BIPOC) ayaa lagu ogaaday:

  • BIPOC waa 37% tirada dadka ku nool Minneapolis
  • BIPOC waxa ay 52% ka yihiin dadka soo codsada xaaladaha la xiriira gurmadka dhimrika.

Waxaanu abuureynaa barnaamij tijaabo ah oo:

  • Si gaar ah gurmad loola beegsanayo codsiyada gurmadka ee dada madaxa ka jiran la xiriira.
  • Lagu tababaro shaqaalaha ka jawaaba telefoonada qiimeynta codsiyada la xiriira cudurada dhimirka.
  • Xirfadlayaasha cudurada dhimirka oo ka hawlgala waaxda 911
  • Sidii si wanaagsan loogu gurman lahaa xaaladaha caafimaadka dhimirka ee bulshada BIPOC iyo dhamaan dadka deggan magaalada.

Waxaanu bilaabeynaa in cabashooyinka qaarkood lagu soo gudbiyo barta internetka ama 311. Marka ay doonayaan in ay soo gudbiyaan mid ka mid ah dacwadahaas waxaa lagula talinayaa in ay dacwadooda ku soo gudbiyaan barta internetka ama wacaan 311 :

  • Burburka hantida
  • Dacwadaha tuganimada
  • Dacwadaha goobaha gaadiidka la dhigto
  • Dacwadaha kale – telefoon kaliya

Codsiyada Gurmadka Xaaladaha Dhimirka

Haddii ay jirto xaalad u baahan gurmadka cudurada dhimirka Minneapolis gudaheeda, waxa aad weli soo wici kartaan: 

  • 911
  • Kooxda Guurguurta ee Gurmadka ee Degmada Hennepin:
    • 612-596-1223 (dadka waaweyn ee ku sugan Degmada Hennepin)
    • 612-348-2233 (ilmaha da’doodu ka yar tahay 17 ama ka yar)

Macluumaad ku saabsan kooxda guurguurta ee adeegga gurmadka

Sanadka 2021, laba kooxood oo cudurada dhimirka ayaa u hawlgalaya codsiyada gurmadka 24/7. Waxa ay taasi ka dhigan tahay:

  • Ciidamada boolisku uma gurmanayaan xaaladaha gurmadka ee la xiriira cudurada dhimirka.
  • Waxaa suurogal ah in boolisku ka qeyb qaato gurmadka haddii kooxda gurmadka dhimirka ay labaduba ka qeyb qaadanayaan gurmadka.

Waxaa laga yaabaa in wax laga bedelo xaaladaha gurmadka dhimirka sanadka 20200.  Barnaamijka tijaabada ah ee gurmadka xaaladaha dhimirka ee 2021 ayaa lagu qiimeynayaa talaabada xigta. 

Codsiyadaha Gurmadka ee tuuganimada iyo burburka hantida

Si aad uga dacwooto tuuganimo ama burbur loo geystay hanti, waxa aad:

  • Soo wac Minneapolis 311
  • Dacwadda ku soo gudbi barta internetka

Ku soo gudbi bart6a internetka

Barnaamijka cusub ee gurmadka

Tijaabada 1 - Isticmaalka kooxaha guurguura ee gurmadka xaaladaha dhimirka

Waxaanu maalgelin ku sameynay afar barnaamij oo tijaabo ah sanadka 2021.

Kooxo aan aheyn booliska ayaa u gurmada xaaladaha degdegga ah ee dhimirka.  Kooxaha waxaa ka mid ah dhakhaatiirta cudurada dhimirka oo ay ka mid yihiin EMT/EMS. 

Hadafka barnaamijka:

  • In dadka madaxa ka jiran loo helo hab kale oo loogu gurmado oo ka duwan in booliska loogu yeero.
  • In la qiimeeyo baahida iyo u fidinta daryeelka iyo gargaarka ay u baahan yihiin.
  • In laga hortago dhigitaanka isbitaalka ee aan loo baahneyn ama in lagu soo oogo dacwad.

Tijaabada 2 - Tababar loo fidiyo shaqaalaha 911 si ay u qiimeeyaan codsiyada la xiriira cudurada dhimirka

Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha iyo horjoogayaasha 911 waxaa la siinayaa tababar la xiriira xaaladaha dhimirka.  Waxaanu qiimeyneynaa waayo aragnimadooda ka hor inta aan tababarka loo fidin dhamaan shaqaalaha gurmadka.

Hadafka barnaamijka:

  • In la siiyo shaqaalaha 911 tababarada ay u baahan yihiin si ay qiimeeyaan codsiyada la xiriira dhimirka.
  • In ay u diraan gurmadka kooxda ugu dhow ee gurmad u fidin karta.
  • In la siiyo macluumaad aad u qiimo badan la xiriira cudurada dhimirka iyo dabeecadda.

 

Tijaabada 3 - In la isku xiro shaqaalaha cudurada dhimirka iyo 911

Laba ka tirsan shaqaalaha cudurada dhimirka ayaa la shaqeynaya shaqaalaha ka jawaaba telefoonada iyo kuwa gurmadka.

  • Horumarinta kalkaalisada xaaladaha dhimirka
  • Taleefanada oo laga soo weeciyo waaxda booliska
  • Garashada sida ugu haboon ee loogu gurmado xaaladaha la xiriira dhimirka.

Hadafka barnaamijka:

  • In codsiyada 911 ee la xiriira dhimirka laga wareejiyo booliska.
  • Aqoonsiga gurmadka ku haboon ee dadka u baahan gurmadka.
  • Horumarinta adeegga kalkaalisada caafimaadka ee heerka gurmadka.

Tijaabada 4 - Ku tababarka shaqaalaha rayidka qoritaanka warbixinada iyo ururinta cadeymaha ee dambiyada tuuganimada iyo burburka hantida

Shaqaalaha magaalada ayaa qoraya warbixinta tuuganimada iyo burburka gaara hantida ee dadka degan Minneapolis: 

  • Shaqaaluhu ma aha saraakiil boolis ah.
  • Mas’uuliyaddan waxaa la hoos geyn karaa jagooyinka iminka jira ama ay qeyb ka noqon karaan jago cusub.

Hadafka barnaamijka:

  • In loo soo diro shaqaale taga oo u gurmada tuuganimada iyo burburka hantida ma guurtada ah.
  • In boiliiska uu helo waqti dheeraad ah.

 

Waqtiga 2021

Janaayo-Abriil

Wajiga qorsheynta (3-4 bilood)

Waxa aynu go’aan ka gaareynaa sida shaqaalaha loogu qorayo barnaamijka tijaabada ah iyo dhinacyada ka qeyb qaaadanaya. 

Abriil-Siteembar

Wajiga tijaabada (4-6 bilood)

Waxa aynu arkeynaa sida wajiga tijaabadu u shaqeeyo iyo isbedelka loo baahan yahay in la sameeyo. Taasi waxa ay inoo ogolaaneysaa in la sameeyo laba isbedel inta lagu jiro mudadaas. Kooxda qaabilsan cudurada dhimirka waxa ay sii wadi doonaan hawshooda marka uu dhamaado wajigan.

Siteembar-Oktoobar

Wajiga daraasad ku sameynta (1-2 bilood)

Waxaa la dhameystirayaa qiimeynta rasmiga ah iyada oo la soo saari doono talo soo jeedinta ugu dambeysa. 

Nofeembar 2021

Soo gaarsiinta warbixinta gudiga maamulka magaalada

Waxa aynu u soo bandhigi doonaa qorshaha 2022. 

Taariikhdii la soo maray

Diseembar 2020

Ogolaashaha maalgelinta

Duqa Magaalada iyo Gudiga Magaalada ayaa ogolaaday maalgelinta:

  • Tijaabada
  • Tijaabinta hababka kala duwan ee gurmadka ee:
    • Codsiyada dadka qaba cudurada dhimirka
    • Codsiyada la soo sheego fal dambiyeed kaliya
Nofeembar 2020

La soo bandhigay talo soo jeedinta

Xafiiska Hawlqabadka Iyo Hal Abuurka ayaa soo bandhigay

  • Talo soo jeedin
  • Hababka kale ee gurnadka ee ka gudbaya xilliga tijaabada
Agoosto 2020

Waxaa la dhameystiray sahanka iyo qorsheynta

Xafiiska Hawlqabadka Iyo Hal Abuurka ayaa soo bandhigay

  • Waxaa la dhameystiray sahanka bulshada
  • Waxaa bilowday qorshaha habka ay bulshadu adeegsaneyso ee gurmadka kala duwan.
    • Codsiyada gurmadka cudurada dhimirka
    • Telefoonada la so sheego fal dambiyeed dhacaya
Diseembar 2019

La ogolaaday qorshaha lana siiyey maalgelin

Duqa iyo Guriga Magaalada

  • Ayaa ogolaaday hawsha guriyada qorshaha
  • U fidiyey maalgelin hababka kala duwan
Agoosto 2019

Waxaa laabuuray gudiyada shaqada

Waxaanu abuurnay gudiyada shaqada si ay:

  • Daraasada ugu sameeyaan xogta
  • Go’aan uga gaaraan nooca telefoonaa lagu tijaabinayo hababka gurmadka ee kala duwan
Diseembar 2018

Gudiga magaalada ayaa soo saaray tilmaamaha laraacayo

Gudiga Magaalada ayaa talo weydiistay Xafiiska Xiriiryaha Magaalada. Codsigoosu waxa uu ahaa in ay tilmaan ka bixiyaan halka ay Magaaladu ka heli karto gurmad aanu boolisku ka qeyb qaadan. 

Xogta ugu dambeysa ee barnaamijka tijaabada ah

Xogta ugu dambeysa ee barnaamijka tijaabada ah waxaanu sanadka oo dhan dadweynaha ugu soo bandhigeynaa:

  • Nidaamka Macluumaadka ee Maamulka Magaalada (LIMS)
  • Barnaamijka You Tube

Halkan ka akhri

Kala soco Bogga You Tube ee Minneapolis

Xogta ugu dambeysa waxaa ka mid ah:

  • Horumarka laga gaaro barnaamijka tijaabada ah
  • Warbixin ka qorista tirada, waxyaabaha la ogaado iyo kuwa laga barto.
  • Isbedelka aanu sameyneyno waa mid ku saleysan waxyaabaha aan ka barano tijaabada.

 

Kooxda gurmadka ee cudurada dhimirka

Sidee ayaa kooxahani ugu adeegayaan deganayaasha magaalada

Xubnaha kooxda waxa ay:

  • Kuwa naxariis u haya dadka
  • Dadka ay dhibaatada heysata ula dhaqma si bini'aadminimo leh
  • Tababar balaaran lagu siiyo:
    • Gargaarka ay u baahdaan dadka madaxa ka jiran.
    • Xirfadaha dajinta
    • Dhibaatada dadka soo gaarta
    • Garashada qowmiyada iyo jinsiga qofka

Kooxdu waxa ay qaban karaan

  • La talin iyo gargaar la xiriira xagga daawada ee dadka madaxa ka jiran.
  • In ay dadka ku xiraan adeegyada taageera

Marka  ay kooxdu u soo gurmadaan kooxdu, waxa ay dadka ka caawin karaan: 

  • In ay qofka hubka ka dhigaan oo dharkana u xiraan
  • Waxa ay wataan agabka ay wax kaga qaban karaan baahida dadka dhibaateysan.

Noocyada codsiyada ay kooxdu u gurmato

Shilalka dadka qaba xanuunka dhimirka (EDP) Kooxda guurguurta ee gurmadka cudurada dhimirka waxa ay u gurmanayaan shilalka dadka madaxa ka jiran (EDP).

Inta uu socdo barnaamijka tijaabada ah, waxaanu idinla wadaageynaa gurmadka dadweynha hadba wixii ku soo kordha. 

U gurmadka codsiyada wixii ka horeeyey 2021

Sida ay ahaan jirtay

Waxaa hawsha gurmadka dadweynaha waxaa u xil saarnaa Ciidamada Booliska Ee Minneapolis.   

Laga bilaabo 2018kii

Maamulka magaalada ayaa abuuray guddi hawleed in ay raadiyaan hab lagu bedelo nidaamka gurmadka ee 911.  Tan iyo 2018, Xafiiska Xiriiriyaha Magaalada ee Waxqabadka Iyo Hal Abuurka (Performance, Management and Innovation) ayaa hogaaminayey hawlgalkan Magaalada.

Sanadkii 2020

  • Performance, Management and Innovation waxa ay bilaabeen dib u eegis ay bulshadu xudun u tahay oo lagu bedelo gurmadka ciidamada nabadgelyada.
  • Gudiga Magaalada ayaa ogolaaday qaar ka mid ah talo soo jeedinta.
    Akhri Wax Ka Bedelka Nabadgelyada Bulshada Iyo Qorshaha Ka Qeyb Gelinta
  • Hadafka Qorshaha:
    • In deganayaasha magaalada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin waqtiga saxa ee ku haboon.
    • In laga faa’iideysto kheyraadka iminka jira ee magaalada.
    • In la adeegsado kheyraadka bulshada

Sanadkii 2021

We seek existing community providers to partner with on this work:

Waxaanu dooneynaa in hay’adaha bulshada ay ka noqdaan hawl wadaag hawshan.

  • Waxaa suurogal ah in aan isku dayno laba hab oo kala duwan,oo ay ka mid yihiin
    • In hawsha laga qeyb geliyo xirfadlayaasha aqoonta u leh dhimirka ee u heysta leesinka ee laga heli karo adeegga gurmadka degdegga ah iyo xirfadlayaal aqoon u leh.
    • In hawl wadaag lala noqdo hay’adaha bulshada ee ka hortagga rabshadaha.
  • Waxaanu adeegsan doontaa nidaamka talo soo jeedinta (RFP) si loo ogaado oo loo qiimeeyo hay’adaha ugu wanaagsan ee adeeg bixiyayaasha.
  • Waxaanu dooneynaa in nidaamka noqdo mid taabogal ah. Si taas loo hirgeliyo, waxaanu talo weydiisaneynaa in dhamaan hay’aduhu ka qeyb qaataan nidaamka xulashada.

DataSource logo

Soo Booqo DataSource

Soo booqo DataSource si aad u aragto xogna ga baarato barnaamijka Magaalada Miineapolis ee xogta meel algu soo wadad ururiyey

Xoga aad ka heli karto:

Contact us

Office of Performance & Innovation

Address

City Coordinator's Office
350 Fifth St. S.
Room 301M
Minneapolis, MN 55415

Office hours

8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday

Minneapolis 311

Hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday