Aan si sax uga shaqeyno qashinka dib loo warshadeeyo

Ficilkaaga waa muhiim. Ficilkaaga waa muhiim. Baro sida loo sameeyo dibu-warshadeynta qashinka, saameynta uu ku leeyahay bey'adda iyo shaqooyinka deegaanka ah, iyo sida aan wax uga qaban karno.

Heerka aan hadda mareyno?

Heer fiican ayaan joognaa, laakiin waa in aan dedaalka sii kordhin karno.

Sannadkii 2022, 19% oo ah qashinka ayaa dib loo warshadeeyay (markii miisaan la saaray).

Nasiibxumno, in ka badan 60% dadka Minneapolis qashin ayey ku dareen wixii dib loo warshadeyn lahaa ama dhulka lagu nafaqeyn lahaa. Khasaarahaas waxaa lagu qiimeeyey $2.8 malyan oo dollar. Fursadihii ugu waaweynaa, ee marka la eego tirada iyo qiimaha dibu-warshadeynta alaabtii lagu geliyey qashinka 2022, waxay ahaayeen:

    • Gasacadaha almuuniyamka – 51% oo keliya ayaa dib loo warshadeeyey
    • Baakadaha adag – 53% oo keliya ayaa dib loo warshadeeyey
    • Waraaqaha kala duwan – 40% oo keliya ayaa dib loo warshadeeyey

Waa maxay saameyntooda markaa dib loo warshadeyn?

Wasting these valuable resources adds to the rising cost of everything we buy.

  • Khasaarinta waxyaabahaas qiimaha leh waxay nagu qaaliyey doonaan qiimaha wax kasta oo aan soo iibsaneyno. Gasacadaha almuuiniyamka dib looga soo dhigi karaa  gasacado cusub marar badan. Dibu-warshadeynta hal gasacad oo ah almuuniyam waxaa noogu baaqan karta koronto ku filan in lagu shito taleefashin ama kambuyuutar ilaa 3 saac. Magaalada Minneapolis, keliya ilaa iyo 50% gasacadood oo ah almuuniyam ayaa dib loo soo warshadeeyey.
    • Markii almuuniyam badan dib loo warshadeyn waayey waxaa nagu qaaliyoobay qiimaha almuuniyamka. Dhibkaasi waxa uu keenay:
      • Shirkado badan ayaa joojiyey badeecooyinkoodii qaar ka mid ah
      • Waxaa nagu qaaliyoobay soodhada, biyaha, iyo khamriga
  • Waraaqaha adag ee sida kartoonka iyo kuwa la midka ah dib ayaa loo warshadeyn karaa ilaa toddoba jeer. Dibu-warshadeynta baakado gaaraya hal foot waxaa noogu baaqan kara koronto lagu isticmaali karo qubeyska biyo kulul maalin kasta ilaa hal toddobaad oo waxaa lagu soo sameyn karaa baakado badan intii la soo goyn lahaa geed gaaraya 40-foot.
    • Markii baakadaha dib loo warshadeyn waayey waxaa nagu qaaliyoobay qiimaha baakadaha. Dhibkaasi waxa uu keenay:
      • Madbacado badan in ay yareeyaan sameynta buugaagta iyo majalladaha
      • Warshaduhu waxay soo saarayaan noocyo iyo midabyo yar oo ah waraaqo oo waxaa dib u dhacay daabacaadda iyo qeybinta

Marka dib loo soo warshadeeyo gasacadaha almuuniyamka ah, kartoonka iyo warqadaha kale waxaa noo baaqanaya koronto, oo waxaan ka hortageynaa wasakheynta hawada iyadoo la abuurayo shaqooyin.

  • Waxaa naga yaraanaya qiiqa u dhigma 3,600 oo baabuur oo magaalada dhex socda sannad kasta.
  • Ha noo baaqato koronto ku filan in la kululeeyo 1,507 oo guri sannad kasta.
  • Shaqo buuxda oo joogto ah ha noo helaan 84 qof sannad kasta.

Sidee baan u dedaali karnaa?

Waxaa jira waxyaabo fudud oo aan sameyn karno si loo badiyo wax kasta oo dib loo soo warshadeyn karo.

  • Dib ha loo warshadeeyo almuuniyamka, baakadaha, iyo waraaqaha oo dhan.
  • Iska hubso in aad qashinka la soo warshadeyn karo geliso meel sax ah.
  • Markaad ka shakido, raadso. 

Siyaabaha aad ku ogaaneyso qashinka dib loo warshadeeyo ee saxda ah

 

Maxaa ku dhacaya qashinka dib loo soo warshadeeyo?

bales of aluminum and cardboard

 

Dadku si xoogaa fiican ayey qashinka u geliyaan meelo sax ah, laakiin wararka qaranka ayaa shaaciyey shaki in dib loo warshadeeyo qashinka: Wax kasta dib ma loo soo warshadeeyaa?
Waxaan rabnaa inaan ku xaqiijino in dhammaan alaabooyinka loo aqbalay dib-u-warshadaynta Minneapolis laga dhigay badeecooyin cusub.

Ka dib marka qashinka warshadaha laga soo qaado guryaha waxaa la isugu keenaa xarunta Eureka Recycling oo 15 qeybood ayaa loo sii kala soocaa. Markaas ka dib ayaa laga sii iibiyaa shirkado si ay alaabo cusub uga soo saaraan.

  • 74% qashinka waxaa alaab cusub ka sameysata Minnesota.
  • 94% qashinka waxaa alaab cusub looga dhigaa gobollada sare ee Galbeedka Dhexe.
  • 98% qashinka dib loo warshadeeyo waxaa lagu isticmaalaa Waqooyiga Ameerika.

Dibu-warshadeynta qashinka waxay abuurtaa shaqooyin

two employees collect recycling

 

Dibu-warshadeynta Minnesota waxaa ku tiirsan in ka badan 77,000 oo shaqo.

  • Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah uruurinta, kala-soocidda, gaadiidka, waxsoo-saarka, iyo wax ka sii badan.

Solid Waste & Recycling shaqaale ayey u baahan tahay.

Ku soo biir kooxda shaqada oo maalintii shaqa ahaan uga qeybqaado nadaafadda bulshada. Waxaa la rabaa dad ka mid noqda Shaqaalaha Adeegga Hawlaha Guud. Maamulka Magaalada waxay bixiyaan mushaar iyo manaafacaad fiican.

 

Faahfaahin ka hel sida loogu shaqeeyo Solid Waste & Recycling

Danny ayaa sharxaya sida ay tahay shaqada Solid Waste & Recycling.

Dhageyso sida ay Marge u jeclaatay in ay ka shaqeyso goobtan.

Siyaabaha aad ku ogaaneyso qashinka dib loo warshadeeyo ee saxda ah

Contact us

Solid Waste & Recycling

 Facebook

Phone

612-673-2917

Address

Eastside Maintenance Facility

2635 University Ave NE

Minneapolis, MN 55418

Office hours

8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday

This building is closed to the public.