Sahanka Taliyaha Booliska cusub

Nala wadaag aragtidaada ku aadan Taliyaha Booliska ee xiga. Ee Waxaanu soo ururineynaa ra’yiga dhinacyo kala duwan oo bulshadu ka mid tahay.

Maxaa la ogaanayaa

Iyada oo qeyb ka ah nidaamka xulidda iyo doorashada Taliyaha Booliska ee xiga, waxa ay Magaalada Minneapolis iyo  Public Sector Search & Consulting, Inc. kaa codsanayaan in aad ra’yigaaga ka dhiibato.  Inkasta oo aan ra’yiga meelo kala duwan ka soo ururin doono, waxa aanu dooneynaa in aan ogaano sida ay bulshadu u fahamsan tahay waxyaabah aay ay ka doonayaan Taliyaha Booliska ee xiga.

Ra’yigaaga dhiibo

Ra’yiga aad ka dhiibato waxa ay naga caawinayaa in aan ogaano shuruudaha aad ka dooneyso Taliyaha Booliska ee xiga. Jawaabtaada waa mid qarsoodi laga dhigayo.  Waad ku mahadsan tahay in aad ka qeyb qaadatay sahanka iyo nidaamkan.

Ka jawaab su’aalaha