Wax Ka Bedelka Nidaamka Booliska

Waxa kale oo aan dooneynaa in aan kordhino kalsoonida ay nagu qabto bulshadu aan u adeegno.

Dulmar Guud

Hadafkeenu waa:

  • Meesha laga saarao caqabadaha magaalada ka hor taagan horumarka
  • Isbedel qoto dheer lagu sameeyo qaab dhismeedka booliska

Si loo gaaro hadafkaas, waxaanu abuureynaa sharciyo iyo hab:

  • Xoojinta isla xisabtanka
  • Horumarinta xiriirka bulshada iyo booliska
  • La shaqeynta sharci dajiyayaasha si meesha looga saaro caqabadaha hor taagan horumarka

Si loo abuuro sharciyo iyo hab, waxa aanu la shaqeyneynaa:

  • Buslahad
  • U doodayaasha
  • Khubarada

Magaaladu waxa ay sameysay dhawr isbedel oo la xiriira Waaxda Booliska ee Minneapolis (MPD) sanadka 2020.   Waxaa ka mid ah waxyaabaha cusub:

  • Nidaamka ciqaabta
  • Nidaamka kaamarada ay saraarkiishu xirtaan
  • Adeegsiga awood dheeraad ah iyo shuruudaha diiwaangelintooda
  • Gelitaanka aan la sii sheegin (la soo garaacin albaabka) ee baaritaanka ay maxkamaddu ogolaatay

Isbedelo dheeraad ah oo la xiriira isbedelka booliska:

  • Amarka kala joojinta ee Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minneapolis
  • Nidaamka Garsoorka
  • Isbedelkii lagu sameeyey sanidihii hore

Nidaamka ciqaabta

Si dib loogu eego nidaamka ciqaabta ee MPD, Duqa Magaalada Frey and Taliyaha Booliska Arradondo ayaa ka shaqeeyey iyaga oo la kaashanaya:

  • Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Magaalada
  • Waaxda Xuquuqda aadanaha

Hadafkooduna waxa uu ahaa:

  • Si loo xoojiyo la xisaabtanka
  • Loo xoojiyo baaritaanka hab dhaqanka xun ee ciidamada
  • In la kordhiyo in la fuliyo go’aanada ciqaabta ee saraakiisha booliska.

Nidaamka cusub, waxa ay magaaladu:

  • Xeer Ilaaliyaha Magaalada oo safka hore ka gala soo af jaridda hab dhaqanka xun ee booliska. Xeer Ilaaliyaha Magaalada:
    • In uu go’aan ka gaaro haddii loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan dheeraad ah.
    • Daraasad ku samaeeyo caddeymaha la soo bandhigo
  • U xilsaaro qareen ka tirsan Xafiiska Xeer iIaalinta inuu siiyo talo xagga sharciga ah Taliyaha marka uu go’aan ka gaarayo ciqaabta saraakiisha.
    • Shaqaaalaha Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ka qeyb qaata hawalaha xafiiska tababarada ee MPD. Shaqaaluhu waxa ay dib u eegayaan waxyaabaha tababarka horay loogu adeegsan jiray.

 

Nidaamka kaamarada ay saraarkiishu xirtaan

A body worn camera attached to a police officer's shoulder

Duqa Magaalada Frey iyo Taliyaha Booliska Arradondo ayaa ku dhawaaqay nidaam lagu xoojinayo isticmaalka kaamarada ay xirtaan saraakiisha booliska.

Hadafkoodu waa horumarinta:

  • La xisaabtanka
  • Isu lab furnaanta
  • Ku kal soonaanta

Nidaamka cusub waxaa ka mid ah:

  • In laga joojiyo in saraakiisha ka qeyb qaata dhacdooyinka khatarta ah ay dib u eegaan fiidyoowga ay kaamaradu duubtay ka hor inta aanay qorin warbixinta booliska.
  • Si ay qeybtu si wanaagsan ugu fahamto:
    • Sida uu u arko sarkaalku
    • Qodobada markaas jiray oo u sabab noqday talaabada uu qaaaaday sarkaalka
  • In ay u ogolaato in horjoogayaashu in ay gaarsiiyaan talaabooyinka ay qaadayaan goobta waxka dheceen.
  • In la cadeeyo mudada loo baahan yahay in lagu qoro warbixinta

Adeegsiga awood dheeraad ah iyo shuruudaha diiwaangelintooda

Duqa Magaalada iyo Taliyaha Booliska Arradondo ayaa ku dhawaaqay isbedelka lagu sameynayo MPD

  • Isticmaalka awoodda dheeraadka ah
  • Shuruudaha ka soo warbixinta

Nidaamka cusub ee adeegsiga dheeraadka ah:

  • Saraakiisha waxaa laga doonayaa:
    • Adeegsiga awoodda ugu yar ee loo baahan yahay si gacanta loogu dhigo dambiilaha.
    • Marka ugu horeysa tixgeli dhamaan waxyaabaha suurogalka ah inta aadan adeegsan awood dhimasho keeni karta
  • Oo ay ka mid tahay awood cabsi gelin ah
  • Waxyaabaha aan la ogoleyn
    • Dhaqan sii kordhiya ama sii xumeeya xaaladda.
    • Toogashada gaari socda, marka laga reebo xaaladaha qaarkood

Shuruudaha cusub ee laga doonayo ka warbixinta:

  • Si faahfaahsan oo lagu soo bandhigo macluumaad gaar ah oo ku saabsan sida uu sarkaalku u adeegsaday awood dheeraad ah.
  • Diiwaan gelinta dhamaan warbixinta booliska ee isku dayga dajinta dambiilaha.

Gelitaanka aan la sii sheegin (la soo garaacin) ee baaritaanka iyo ogolaashaha maxkamadda.

Sharciyada cusub ee gelitaanka aan aan la sii sheegin (la soo garaacin) ee ogolaashaha maxkamadda:

  • Waxaa lagu faahfaahiyey nidaamka loo fulaiyo iyo waxa laga dooayo saraakiisha
  • Kama mid ah aha sharciyada magaalada

Bishii Nofeembar 2020, Duqa Magaalada Frey ayaa ku dhawaaqay sharciyada saraakiisha MPD ee gelitaanka aan lagu dhaawaaqin marka ay heystaan ogolaashaha maxkamadda.

Shuruudaha cusub waxaa ka mid ah:

  • In saraakiishu cadeeyaan joogitaankooda ka hor inta aanay gelin
  • In saraakiishu ogolaadaan in la ogaado waxa aysameynayaan iyo la xisaabtanka
  • In ay si cad bulshada u gaarsiitaan waxa laga filayo.

Hadafka laga leeyahay sharcigan waa:

  • Kordhinta amaanka saraakiisha iyo dadka rayidka ah
  • Yareynta shilalka ka dhalan kara ama iska hor imaad hubeysan oo dhex mara boolika iyo rayidka.

 

Nidaamka Garsoorka

Hal Abuurka Qaran ee Dhisitaanka Kalsoonida Bulshada iyo Garsoorka waxa uu MPD u doortay goob tijaabo ah. Iyada oo uu hogaaminayo Taliyaha Booliska ee Arradondo, MPD waxa ay bilowday nidaamka garsoorka.

Dhamaan saraakiisha iyo shaqaalaha MPD waxaa lagu tababaray:

  • Aragtida nidaamka garsoorka
  • Iilasho aanu qofku is ogeyn
  • Dhaawaca

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka garsoorka

Xafiiska Dib U Eegista Hab Dhaqanka Boosliska

Xafiiska Dib U Eegista Hab dhaqanka Booliska (OPCR) waa mid dhexdhexaad ah oo baaritaan ku smeeya cabashooyinka la xiriira hab dhaqanka xun ee saraakiisha.

Ujeedada xafiiskan waa:

  • Inuu abuuro isbedel la taaban karo ee dhaqanka iyo is dhexgalka saraaakiisha iyo bulshada.
  • Inuu xoojiyo is ixtiraamka iyo is jeceylka

Halkan ka akhri xogta OPCR

Isbedelo dheeraad ah oo la xiriira isbedelka booliska

Baaritaanka gobolka iyo amarka kala fogeynta

3 da Juun 2020 ayaa Waaxda Xuquuqda Aadanaha bilowday baaritaan liddi ku ah Ciidamada Booliska Minneapolis (MPD). 

Baaritaankaas:

  • Taasi waa tan keentay dacwadda madaniga ee xuquuqda aadanaha ee la xiriirta dilka George Floyd.
  • Dib u eegis lagu sameeyey nidaamka,sharciyada iyo sida ay u shaqeeyaan MPD 10kii sano ee la soo dhaafay.
  • Waxaa lagu ogaanayaa haddii MPD uu kajiro heyb sooc nidaamsan oo lagu bar tilmaameedsado dadka laga tirada badan yahay

Duqa magaalada Frey iyo Gudiga Maamulka Magaalada ayaa taageeray baaritaanka.

Akhri xogta ku saabsan baaritaanka Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota

Police license plate

Xafiiska Dib U Eegista Hab Dhaqanka Boosliska

Xafiiska Dib U Eegista Hab Dhaqanka Booliska (OPCR) waxa uu baaritaan ku sameeyaa cabashooyinka magaalada.

DataSource logo

Soo Booqo DataSource

Soo booqo DataSource si aad u aragto xogna ga baarato barnaamijka Magaalada Miineapolis ee xogta meel algu soo wadad ururiyey

Xoga aad ka heli karto:

Contact us

Mayor's Office

Address

City Hall, Room 331
350 S. Fifth St.
Minneapolis, MN 55415

Office hours

8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday

Connect with the Mayor

 Facebook

 Twitter

Office of Police Conduct Review

Phone

612-673-3012

Address

City Hall
350 Fifth St. S.
Room 239
Minneapolis, MN 55415

Office hours

8:30 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday