Barnaamijyada kale ee amaanka

Raadi macluumaadka la xiriira u diyaargaroowga iyo xogtii ugu dameysay ee dhageysiga maxkamadda.

Diyaargaroowga la xiriira amaanka

Hawgalka Amaanka (Operation Safety Net)

Hawlgalka Amaanka waxaa abuuray ciidamada amaanka ee Minnesota si loo xaqiijiyo in si nabadgelyo ah dadka ra’yigooda u cabiraan, ka hor iyo ka dib dhageysiga maxkamadda sarkaalkii hore uga tirsanaa booliska Minneaolis ee Derek Chauvin. 

Goolkaya

  • Ilaalinta si sharciga waafaqsan Qodobka Koowaad ee Dastuurka ee dibad baxyada aan rabshaduhu la  socon.  
  • Laga hortago qalaalasaha, gacan ka hadalka, burburka hantida, dab qabadsiinta, iyo bililiqeysiga dhismayaasha dawladda, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.  

Hay’adaha ka qeyb qaadanaya

  • Hennepin County Sheriff's Office (Xafiiska Sheriffka Degmada Hennepin)
  • Metro Transit
  • Minneapolis Police Department (Booliska Minneapolis)
  • Minnesota Department of Natural Resources (Waaxda Minnesota ee Kheyraadka Dabiiciga Ah)
  • Minnesota Homeland Security and Emergency Management (Waaxda Minnesota ee Arrimaha Gudaha)
  • Minnesota National Guard (Ciidanka Daraawiishta)
  • Minnesota State Patrol (Ciidamada Ilaalada Wadooyinka)
  • Ramsey County Sheriff's Office (Xafiiska Sheriifka ee Ramsey)
  • Saint Paul Police Department (Booliska St. Paul)

Amarka xakameynta ciidamada ee ku meel gaarka ah ee Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Gobolka

Amarka xakameynta waa heshiis wada shaqeyn ah oo u dhaxeeya Magaalada Minneapolis, Ciidamada Booliska Minneapolis (MPD) iyo Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minneapolis.  

  • Taasi waxa ay ka dhigan tahay, sarkaal kasta oo ka tirsan ciidamada nabadgelyada oo xubin ka ah MPD ama ciidamada kale ee nabadgelyada ma qabanayaan qodobada amarka kala fogeynta.
  • Haddii Taliyaha Ciidamada uu siiyo amar ciidamada nabadgelyada oo xubno ay ka yihiin MPD iyo ciidamada kale, Taliyuhu waxaa uu ciidamada farayaa in ay u hogaansamaan qodobada amarka ku meel gaarka ah ee xakameynta ciidamada.