Dibu-warshadeynta Qashinka

Isticmaal boggan si aad u fahamto qashinka saxda ah iyo kuwa aan saxa ahayn ee la gelin karo caagga buluugga ah ee One-Sort.

Qashinka dib loo warshadeeyo

Daabaco oo meel ku dhejiso si aad ugu xusuusato qashinka la warshadeeyo.

Geli caagga qashinka dib loo warshadeeyo.

Loose recyclables in blue container
  • Ha isku ciriirin qashinka dib loo warshadeynayo.
  • Haddii aad guriga bac ku soo ururiso qashinka, fadlan ka soo reebo bacda oo qashinka ku daadi caagga kuwa dib loo warshadeeyo.
    • Waraaqaha sida bacda wax lagu qaato qashinka waa lagu dari karaa.
    • Bacaha balaastigga ah waa in lagu daro qashinka ama waa in la keeno meelaha bacaha lagu tuuro.
  • Caagga u dhig si fiican qaabka 3-D (3 gees in laga arko).
  • Baakadaha kala bixi.
  • Weligaa qashinka warshadaha ha dhex dhigin bac ama wax balaastiig ah.

 

Warqad

Recyclable paper products

Waxa dib loo warshadeyn karo

  • Waraaqaha boostada, xafiiska, iyo dugsiga
  • Joornaalada iyo buugaagta
  • Wargeysyada iyo walxaha la geliyo
  • Buugaagta telefoonka
  • Buugaag (jilicsan ama dabool adag)
  • Waraaqaha bacda la midka ah oo nadiif ah (oo fidsan)

Baakadaha dib loo warshadeyn karo (waa in la fidiyo)

  • Kartoon (aan ka dheereyn 3 fiit iyo 3 fiit ii ah ballaca)
  • Baakadaha siiriyaalka, buskudka, kabaha, qalabka korontada ah, iyo kuwa hadyadaha
  • Baakadaha cuntada iyo cabitaanka ee la gelyo qaboojiyaha
  • Baakadaha daawooyinka, daawada ilkaha lagu nadiifiyo, iyo wixii la mid ah

*Kaartoonka aan ka weyn caagga qashinka warshadaha waa inay ahaadaan:

  • Kuwa isku xiran balse aan lam isku koolleyn (koollada baakadaha)
  • Kala fidi oo baakadaha dhex geli kaartoon

Wixii aad isku xirto oo caagga ka weyn dhig caagga agtiisa. Baakadaha iyo wixii aad isku xirto waa in aysan ka dheereyn 3 fiit x 3 fiit oo ballac ahiyo culeys ka yar 40 baawn.

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Waraaqaha jeexjeexan
  • Waraaqaha istaraashada ah nooc kasta
  • Koobabka waraaqaha
  • Saxuunta waraaqaha
  • Kaartoonka ukunta
  • Weelasha cuntada lagu soo qaato
  • Daboolka jallaatada
  • Waraaqaha waxa la soo iibsado
  • Xaashiyaha sanka
  • Waraaqad koobbiga ka hooseeyo

Caagaga

 

Various plastic containers, such as milk jug and yogurt and berry containers

Dhalooyinka iyo weelasha #1, #2, #5 (dusha sare)

  • Biyo, soodhad, iyo dhalooyin casiirka ah
  • Weelasha caanaha iyo casiirka
  • Dhalooyinka yaanyada iyo dhalooyinka saladhka
  • Dhalooyinka dareeraha weelasha lagu dhaqo iyo weelasha saabuunta
  • Dhalooyinka shaambada, saabuunta, iyo looshanka

Koobabka iyo weelasha #1, #2, #5

  • Yoogaad, koobabka baadhinka, iyo khudaarta
  • Koobabka wax laga dhax arkayo iyo baaquliyo la tuuri karo
  • Margarine, jiis, iyo weelasha kale
  • Alaabta, deli, iyo weelasha wax lagu qaato

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Caagaga and#3, #4, # 6 iyo #7 
  • Baco madow
  • Bacaha balaastikada ah iyo filimka baagaga*
  • Caagga jilicsan ee alaabta la soo geliyo*
  • Fuumka caaga ah (Styrofoam™)
  • Weelasha ay ku jiraan alaabada halista ah

*Bacaha waxaa la keeni karaa meesha lagu tuuro haddii ay nadiif yihiin oo ay engegan yihiin. Goobaha la keeno waxaa ka mid ah:

Faahfaahinta bacda balaastikada ah iyo wixii la mid ah ee la warshadeynayo

Dhalo

 

Various glass bottles. Wine, beer, tomato sauce bottles.

Waxa dib loo warshadeyn karo

  • Dhalooyinka cuntada iyo cabitaanka iyo weelalka

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Suxuunta dhalooyinka ah
  • Muraayadaha daaqadaha
  • Dhoobka
  • Murraayadaha

Bir

pop cans, soup containers, decorative tins, and pie tin

Waxa dib loo warshadeyn karo

  • Daasadaha cuntada iyo cabitaanka
  • Almuuniyamta wax lagu duubo iyo saxamada ballaaran
  • Caagagga qurxinta iyo wixii la mid ah

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Qalabka waaweyn
  • Elektrooniga
  • Xadhkaha korontada
  • Digsiyada iyo birdaawaha
  • Maacuunta qalinka ah
  • Tubooyinka iyo tiirarka
  • Kuraasta
  • Katabaanka dharka la surto
  • Dhululubada la cadaadiyo (propane, helium, CO2)

Kaartoonada

 

Recyclable cartons like cream, broth, and juice.

Waxa dib loo warshadeyn karo

  • Kaartoonada caanaha
  • Baakadaha casiirka
  • Maraq, fuudka hilibka, iyo kaartoomada khamriga

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Caagagga xumbada ah (Styrofoam) sida kuwa ukunta
  • Caagga Jalaatada ama koobabka qaxwaha
  • Kiishashka almuuniyamka

Gasacadaha kartoonka
frozen juice can, pringles can, mixed nuts, iced tea tub

 

Waxa dib loo warshadeyn karo

  • Jibs, lowska, iyo qasacadaha kale ee fudud
  • Cabitaanka barafeysan iyo daasadaha cajiinka ee la qaboojiyo
  • Daasadaha cabitaanka budada ah
  • Daasadaha nadiifka ah ee budada

Waxa aan loo warshadeyn karin

  • Olyada baabuurta ama weelka oklyada culus

Waxyaabo badan oo aan la aqbalin dib u warshadaynta

  • Dib u warshadaynta baagaga
  • Elektrooniga iyo baytariyada
  • Biro teelteel ah (biraha qashinka ah) – digsiyada iyo birdaawaha, tuubooyinka, tiirarka, rooti-kuleyliyaha, kuraasta, mootooyinka ilmaha
  • Tanglers sida xadhkaha korontada, nalalka fasaxa, iyo tuubooyinka
  • Alaabta raagta – caagagga wax lagu keydsasho, alaabta ilmuhu ku ciyaarto, qalabka isboortiga, alaabta dhismaha, qalabka dhismaha, xaaqinka iskoobaha, majarafad, caagga sawirka, alaab guryaha ama kuwa qurxinta
  • Dharka tolmada – dharka, kabaha, xalleefka nadaafadda dumarka, bustaha, daahyada
  • Katabaanka dharka la surto (biraha, caagagga ama alwaaxyada)
  • Weelasha ay ku jiraan alaabada halista ah
  • Nalalka
  • Daasadaha rinjiga
  • Saliingaha iyo cirbadaha

Meelo la keeni karo ayaa jiri kara qaar ka mid ah alaabtan.

Faahfaahinta siyaabaha qashinka loo tuuro

Contact us

Solid Waste & Recycling

 Facebook

Phone

612-673-2917

Address

Eastside Maintenance Facility

2635 University Ave NE

Minneapolis, MN 55418

Office hours

8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday

This building is closed to the public.