Amaanka ganacsiga iyo guryaha

Akhri sida uu dhageysiga maxkamaddu saameyn ugu yeelan karo ganacsiga iyo hantida ma guurtada ah iyo sida ay ugu diyaar garoobeen.

U diyaari ganacsigaaga iyo hantidaada ma guurtada ah

Qorshaha xaaladaha degdegga ah

Waa in aad xaqiijisaa in aad dajisay qorshe xaaladda degdegga ah.   Qorshaha xaaladda degdegga ah waxa uu kaa caawinayaa in adiga, qoyskaaga iyo ganacsigaagu la badbaadiyey ka hor iyo ka dib xilliga ay dhibaato dhacdo.  Waxa aad heli kartaa talo lacag la’aan ah oo ku saabsan waxyaabaha ka mid noqon kara qorshaha degdegga ah.

Si xog dheeraad ah uga ogaato abuuritaanka qorshaha xaaladda degdegga

Sugitaanka amaanka dhismahaaga iyo hantidaada ma guurtada ah

Goobaha ganacsiga waxa mid walba gooni waajib ugu ah in ay la yimaadaan qodobada la xiriira amaanka.   Waxa aad dooran kartaa in aad ku darto waxyaabo lagu rakibo dhismahaaga.    

  • Mulkiilayaasha waxaa loo ogol yahay in ay si ku meel gaar ah alwaax balaaran dusha uga rakibaan goobaha ganacsiga iyo hantida ma guurtada ah mudada uu dhegeysiga maxkamaddu socdo.     
  • Albaabo rasmi ah oo laga furi karo waa la ogol yahay in lagu rakibo goobaha ganacsiga. 
    • Fasaxa ogolaashaha dhismaha ayaa looga baahan yahay. 
    • Albaabada amaanka waa in ay noqdaan kuwo lagu fujin karo si daaqadaha dibadda looga arki karo saacadaha ganacsigu furan yahay.
    • Wax calaamad ah ama farshaxan ah lama ogola in lagu rakibo albaabada.    
  • Tixgeli degaanka ku wareegsan dhismahaaga.   Ka fogee ama si adag u xir waxyaabaha keeni kara dhibaatada ama waxyaabaha dab dhalin kara, sida bulukeeti dabacsan ama alwaaxda.     
    La tasho ceymiskaaga oo hubi in heshiiska aad kula jirto ceymiska uu yahay kii u dambeeyey oo aad fahamsan tahay waxyaabaha uu bixinayo ceymiskaaga.     
  • Ku keydi keydka kombiyuutarada ee barta internetka nuqul ka mid ah aqoonsiyada muhimka ah (sida: Dropbox, Google Drive) adiga oo kuwa daabacan ku haya meel ka baxsan goobta ganacsiga. Dropbox, Google Drive) adiga oo kuwa daabacan ku haya meel ka baxsan goobta ganacsiga.    
  • Yaree lacagta caddaanka ah iyo jeegaga yaala goobta ganacsiga:    
  • Waxyaabaha qiimaha leh ka fogee daaqadda.

Ilaalada Gaarka Ah

Waxa aanu fahamsanahay in dadka qaarkood doonayaan ilaalo dheeraad ah oo ilaaliya ganacsiga.   Haddii aad doorato in aad qoroto shirkad kuwa ilaalada ah, fadlan qoro oo kaliya shirkadaha heysta ogolaashaha (leesinka).    Waxa ay leeyihiin ceymiskooda u gaarka ah shaqalahooduna waa kuwo tababaran.  

Shaqaalaha Xafiiska Ganacsiga ee Magaalada Minneapolis

Shaqaalaha Xafiiska Ganacsiga ee Magaalada waxa ay goobaha ganacsiga iyo mulkiilayaasha dhismayaasha uga jawaabi karaan su’aalaha la xiriira ganacsiga ka hor iyo ka dib dhageysiga maxkamadda, furnaashaha ganacsiga iyo sharciyada degaanka. 

La xiriir Shaqaalaha Xafiiska Ganacsiga ee Magaalaada

Cawinaad la xiriirta ceymiska

Waaxda Ganacsiga ee Minnesota ayaa idinka caawineysa fahamka heshiiska caymiska iyo xalinta khilaafaadka idin soo kala dhex gala shirkadaha ceymiska.

Soo booqo Xarunta Adeegga Macaamiisha

Soo wac 651-539-1600

Soo wac 800-657-3602 (goobaha ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha Ah)

Macluumaadka dheeraadka ah

Hawlgalada Ganasiga ee Magaalada oo Dhan

  • Goobaha ganacsiga ee faras magaalaha iyo xaafadaha waa ay furnaanayaan mudada uu socdo dhageysiga maxkamadaha, taasoo ku xiran xayiraadaha la xiriira cudurka.
  • Waxaa jiri doono saraakiil booliska ah oo dheeraad ah iyo Ciidanka Daraawiishta (National Guard) ayaa lagu arkayaa faras magaalaha, oo ay ka mid yihiin goobaha ganacsiga.   

Dhismayaasha Ganacsiga Iyo Adeegga

  • Adeegga magaalada wuu sii soconayaa, inta badan barta internetka ee xaaladaha caruurta.
  • Waxba iskama bedelayo nidaamka amaanka magaalada oo dhan mudada uu socdo dhageysiga *Xarunta maamulka Hennepin), dhismayaasha u dhow maamulka iyo saldhigyada booliska.  

Contact us

Small Business Team

Community Planning & Economic Development

Phone

612-673-2499

Address

Public Service Building
505 Fourth Ave. S., Room 320
Minneapolis, MN 55415