Arrimaha la xiriira ururuinta qashainka

Baro sida loo xaliyo dhibaatooyinka la xiriira nidaamka qaadista qashinka

Calaamadda Wargelinta (barashada)

Horjoogaheena ayaa ku dhajinaya calaamad buluug ah oo u taagan mid barasho ah mid ka mid ah haamahaaga qashinka, qashinka dib loo warshadeeyo, iyo haamaha kalaba haddii ay jirto dhibaato la xiriirta sida aad u dooneyso in loo qaado.   Calaamadda lagu dhajinayo waxaa ka qoran taariikhda iyo waxa ay dhibaatadu tahay iyo xilliga laguu qabto in wax lagu nadiifiyo. 

Haddii aadan nadiifin goobta 6 aroornimo ee taariikhda ku qoran calaamadda buluugga ah, shaqaalaheena ayaa nadiifinaya waxaana laguu soo dirayaa biil adeegga laguu qabtay ah.   

Marka oo calaamad buluug ah lagu dhajiyo, waxaa laguu soo iro waraaq xusuusin ah oo boostada laguu dhigo si laguugu wargeliyo waxyaabaha la doonayo in la nadiifiyo iyo taariikhda laguu qabto.    

Mas’uuliyadda Nadiifinta

Goobta laga qaadayo qashinka waa wadada guriga gadaal ka marta ama marshabiyeediga  Adiga ayaa masuul ka ah in aad qashinka ka nadiifiso agagaarka halka qashinka laga qaadayo.  Goobtaas:

  • Waa halka ay ku kulmaan wadada guriga gadaashiisa marta iyo guriga.  
  • Waana inta uu gurigu ku fadhiyo oo dhan
  • Waxa ay ku dherean tahay 20 dhudhun oo wadada ilaa dhinaca dambe ee gurigaaga. 

Dhabaatooyinka guud ee la xiriira ururinta qashainka

Xilliga qashin ururinta

clock icon set to 6 a.m.

 

Haamaha qashinka iyo alaabada kale waa in la soo dhigaa wadada 6 aroornimo maalinta qashinka la qaado. 

Nadiifinta iyo diyaarinta goobta qashinka laga qaadayo.

garbage bag tied securely

 

Sharciga magaaladu waxa uu dhigayaa in bacaha waaweyn iyo dhulka ku dhow haamaha qashinka noqdo mid nadiif ah.   

  • Qashinka waa in bac lagu guraa. 
  • Ka nadiifi qashinka ku daata agagaarka haanta ilaa 20 dhudhun oo wadada ama marshabiyeediga ah.  

Qashinka dheeraadka ah

garbage cart with bag of garbage set next to it

 

Haamaha qashinka waa kuwo ku filan qashinka todobaadkaas.  Haddii uu jiro qashin dheeraad ah oo ka badan haamaha, na soo wac si laguu siiyo haan dheeraad ah.   Waxaa laga yaabaa in ay jiraan laba bac oo dheeraad ka ah inta haantu qaadi karto, na soo wac si haan dheeraad ah aad u codsato. 

  • Qashinka aan haanta ku jirin waa in bac ama baako lagu shubaa oo lagu xiraa. 
  • Bac ama sanduuq kasta waa in culeyskiisu ka yar yahay 40 rodol.   

Waad keeni kartaa qashin badan oo dheeraad ah ama alaabada dhismaha goobta xarunteena qashinka la geeyo.  Waa in aad soo wacdaa xafiiskeena si aad u codsato foojar ka hor inta aadan tagin xarunteena.  

Codso foojar aad qashinka ku heyso goobaha qashinka la geeyo

Alaabada sharci darada ah

propane, light bulb, motor oil containers with a strikethrough over top

 

Waxaa jiray alaabo sharci darada ah oo ku jiray haantaada qashinka ama goobta qashinkaaga laga qaado.   Ma qaadno alaabada hoos ku xusan ee qashinka ama qashinka dib loo warshadeeyo.  

  • Nalalka dhaadheer (kuuskuusan)
  • Alaabada dhismaha
  • Waxyaabaha kiimikada ah
  • Haamaha gaaska
  • Saliidda gawaarida
  • Rinjiga
  • Biraha baabuurta
  • Ciidda/dhagxaanta/dhoobada
  • Shubka

Tixraac tilmaamaga qashinka iyo sida loo fogeyn karo alaabadaas

Qashinka daaradda oo si aan sax aheyn dibadda loo dhigo

bags of yard waste twigs less than 3

 

Qashinka daaradda lama raacin karo haamaha qashinka ee magaalada.   

  • Qashinka daaradda waa in lagu xirxiraa baakadda caleemaha ama bacda BPI ee qashinka daaradda.  
  • Dhirta, jiridda geedaha iyo xididadooda waa inuu xajmigoodu ka yar yahay 3 inji iyo iyo sadex dhudhun oo dherer ah.
  • Badaha dib loo isticmaalo waa in ay qaadi karaan 32-38 gaaloon xajmi ahaan oo dhererkoodu yahay 26-32 inji oo leh gacan qabsi. 
  • Bacaha oo dhan, iyo haamaha dib loo isticmaalo waa in ay ka yar yihiin 40 dhudhun marka ay buuxaan.
  • Ciidda iyo dhoobada lama ogola. 
  • Qashin daaradda waxaa la ogol yahay xiliga qashinka daaradda la ururiyo.

Xog dheeraad ah oo ku saabsan qashinka daaradda

Haamaha aad u culus

less than 200 lbs on a scale

 

Haan kasta waa in culeyskeedu ka yar yahay 200 oo rodol.

Makiinadaha haanta qaada ma qaadi karaan wa ka badan 200 oo rodol Waxaa lagaa doonayaa in qaar qashinka ka mid ah aad bac ku shubto si loo fogeeyo.  

Tixraac tilmaamaga qashinka iyo sida loo fogeyn karo alaabadaas

Alaabada balbalaaran

Couch, Tv, Stove icons

 

Laba shay oo balaaran ayaa maalintii qashinka la qaadayaba la ag dhigi karaa.   Alaabada balbalaaran ee dib loo warshadeyn karo waxa aad ag dhigi kartaan todobaadka la qaadayo qashinka dib loo warshadeeyo. 

  • Maalinta qashinka qaadista loo qoondeeyey:  Alaabada waxaa ka mid noqon kara:kuraasta iyo alaabada guryaha.
  • Todobaadka qashinka dib loo warshadeeyo:  Alaabada waxaa ka mid ah: qalabka guryaha, elektaroonigga, joodariyada, iyo biraha. 
    • Waa in albaabada ka furtaa talaajadaha/qaboojiyayaasha. 
    • Waa in shubka ka fujisaa tubooyinka iyo biraha.   

Xog dheeraad ah oo ku saabsan sida loo fogeeyo Alaabada Waaweyn

Duuduub oo xir kadiifadda iyo roogagga

Waa in la duuduubaa oo xarig lagu xiraa kadiifadaha iyo roogagga.

Roogagga waa in:

  • Dhererkoodu ka yar yahay 5 dhudhun
  • Dhexroorkooduna ka yahay 12 inji.
  • Culeyskoodu ka yar yahay 40 rodol
  • Xarig ama sharooto ku xir.  

Lugaha gawaarida (shaagagga) lama ogola

vehicle tire icon with strike-through on top

 

Ma qaadno lugaha gawaarida.  

 Soo wac xafiiskeena si aad u codsato foojar taayarada ka hor inta aadan tagin Xarunteena. Wax lacag ah lagaama qaadayo haddii aad heysato foojarka.

Codso foojar

Si khaldan oo loo isticmaalo adeegga qashin ururinta magaalda

Adeegga qashin ururinta waxaa la geyn karaa oo kaliya qashinka ka dhasha guriga qashinka laga qaadayo.   Waxaan kuu soo direynaa waraaqa haddii aan tuhuno in aad si khaldan u isticmaaleyso adeegga qashin ururinta.   Khalad u isticmaalka waxaa ka mid noqon kara  

  • In aad qashinka soo raaciso qashin laga keenay guri kale
  • In aad qashinka soo raaciso qashin laga keenay goob ganacsi. 

Contact us

Solid Waste & Recycling

 Facebook

Phone

612-673-2917

Address

Eastside Maintenance Facility

2635 University Ave NE

Minneapolis, MN 55418

Office hours

9 a.m. – 3:00 p.m.
Monday – Friday

This building is closed to the public.