Is qorida barnaamijka dib u isticmaalka walxaha orgaaniga ah

Mulkiilayaasha guryaha iyo kireystaasha la leh adeega qashin qaadida Magaaladda (City)

Mulkiilayaasha guryaha iyo kireystaasha la leh adeega qashin qaadida Magaaladda (City)

family throwing out organics recycling bag

Isqorida

Haddii aad leedahay caagag qashin oo leh midab dambasi ah oo ay ku dhagan tahay calaamada “Hanti Magaaladda Minneapolis” (City of Minneapolis), waxaa leedahay adeega qashin qaadida ee magaaladda, waxa aadna isu diiwaan gelin kartaa barnaamijka dib u isticmaalida walxaha orgaaniga ah iyadoon wax kharash oo siyaado ahi kaaga bixin. Waxaa jira labo siyaabood oo la isugu diiwaan geliyo barnaamijka dib u isticmaalka walxaha orgaaniga ah:

Bilaabida hawsha

Waxa aanu kuu keeni caag doog ah oo dib u isticmaalida walxaha orgaaniga ah ka dib kolka aad is-gorto. 

Waxaad kaloo ku heki doontaa boostada alaabta diyaarsan ee soo dhaweyn ah.

Xirmada diyaarsan ee soo dhaweynta ah waxaa ku jira:

  • Hage ku saabsan dhisida orgaaniga
  • Bir lab gaboojiyaha lagu dhajiyo
  • Baco duub ah oo nooca bedelma ah oo hawsha lagu bilaabo

Kiraystayaasha cusub ee dhismayaasha Magaaladda (City) la leh adeeg qashin qaadid ee jaa horey u lehaa caaga qashinka ee dooga ah ee walxaha orgaaniga ah ee dib loo isticmaalo waxa ay la soo xiriiri karaan xafiiskayaga si ay uga codsadaan xirmada alaabta diyaarsan ah ee soo dhaweynta.

Isticmaalka caagaaga

Orgaanigu waa khasab inuu ku jiro baco ay sugtay hay’ada BPI inay bedelmi karaan ama dambiisha warqada ka sameysan ee cuntada adeega ah lagu rito. Caagaaga dooga ah waxaa la faaruqin asbuuc walba maalinta qashinka.

Codsiga caag siyaasadda ah

Walxaha orgaaniga ahi waa khasab inay geli karaan caagaaga. Haddii caagaagu uu mar walba buuxsamo, la soo xiriir xafiiskayaga si aad u codsato caaga weyn ama aad u hesho caag kale. Haddii marmar aad leedahay orgaanig siyaado, waxa aad geyn kartaa meesha la geeyo orgaaniga.

Kiraystayaasha aan lahayn adeega Magaaladda (City)

Haddii dhismahaagu uu leeyahay haan qashin, waxa aad leedahay qashin qaade gooni ah magaciisuna waa inuu ku dul qornaado haanta.

Waxa aad haystaa labo waxyaabood oo aad kala dooran karto oo ku saabsan walxaha orgaaniga dib u isticmaalka ah:

  • Isqor si aad u geyso orgaaniga guryaha meesha la geeyo orgaaniga.
  • Ma jiro wax kharash oo ku bixi isticmaalida meesha la geeyo orgaaniga.

Kala shaqee maamulaha gurigaaga in adeeg walxadaha dib u isticmaalka ee orgaaniga ah lagu daro dhismaha. Ka eeg qaybta Aruurinta qanshinka ee ganacsiyada iyo dhismayaasha waaweyn wixii kale ee akhbaar ah.

Ganacsiyada

Dhamaan ganacsiyada oo dhan waxaa laga rabaa inay lahaadaan adeeg dib u isticmaal walxaha ah. Degmadda Hennepin (Hennepin County) waxa ay ka rabaa qaar ka mid ganacsiyada inay lahaadaan barnaamij ah leexinta cuntada hambada ah, sida dib u isticmaalida walxaha orgaaniga ah.

Ka eeg qaybta Aruurinta qanshinka ee ganacsiyada iyo dhismayaasha waaweyn wixii kale ee akhbaar ah.

Dib I isticmaalka walxaha orgaaniga ah - Sababtayda

Maqal sababta dad kale oo degan Minneapolis ay u bedelaan orgaanigooda, ka dibna ku biir iyaga hawshooda ah dib u isticmaalka walxaha orgaaniga ah.

Contact us

Solid Waste & Recycling

Public Works

Facebook

Taleefanka

612-673-2917

Cinwaanka

Eastside Maintenance Facility

2635 University Ave NE

Minneapolis, MN 55418

Saacadaha shaqada

8 a.m. - 4:30 p.m.

Isniin - Jimcaha

Dhismahan waa mid u xiran dadweynaha.